Xisbi siyaasadeedka Xukuumada Puntland ee Kaah ayaa qaatay dhamaan sadexda gudoomiye ee degmooyinka Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo kadib heshiis uu la galay qaar kamid ah Xisbiyada Mucaaradka.
Xisbiyada Kaah iyo Mideeye ayaa ku heshiiyay in gudoomiyaha degmada Godobjiraan uu noqdo Keynaan Cabdi Jaamac oo kamid ah xisbiga Kaah halka gudoomiye ku xigeenka uu noqonayo Maxamed Axmed Saalax oo ka tirsan xisbiga Mideeye.
Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha ayaa sidoo kale ku heshiiyay in gudoomiyaha degmada Dangoroyo uu noqdo Xaamid Axmed Xaaji Maxamed oo ka tirsan xisbiga Kaah halka ku xigeenkana uu noqdo Axmed Ciise Siciid oo kamid ah xisbiga Mideeye.
Dhinaca kale, Heshiiska ayaa dhigaya in gudoomiyaha degmada Garoowe uu noqdo Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) oo kamid ah xisbiga Kaah halka ku xigeenkana uu noqdo Maxamed Cali Maxamed (Xamari) oo isla xisbiga Kaah ah sida ay sheegtay wasaarada Arimaha gudaha Puntland.
Hoos ka akhri heshiiska xisbiyada
GAROWE POST