Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo Maamul u dhistay degmada Dangoroyo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa  ayaa dhisay Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal.

Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal waxaa ka soo qaybgalay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Mudane Xildhibaan Cabdirisaaq Jaamac Taraag, xubno ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Maareynta iyo Gaarkaar, Biyaha iyo Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda DFS Mudane Abshir Cumar Huruuse, Golaha Garsoorka, Maamulka Gobolka Nugaal,  Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland iyo marti sharaf kala duwan oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Waa tillaabo horey loogu  qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee 23-kii july 2024 ka qabsoontay  3-da Degmo ee Gobolka Nugaal oo ka mid ah Degmooyinka Puntland oo hore looga soo qabtay doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal ee ku yimi habka is bahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Puntland sida uu qabo qodobka 29aad farqaddiisa 2-aad.

Sidoo lale, Wasiirka ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee la doortay, kuwaas oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal waxaa ku guulaystay Mudane Xaamid Axmed Xaaji oo ka soo baxay Xisbiga Kaah. sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka waxaa ku guulaystay Axmed Ciise Saciid oo ka soo baxay Xisbiga Mideeye.

Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddiga doorashooyinka Puntland (PEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka  Reer Puntland.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *