Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntlnad Mudane Maxamed Abdiraxmaan Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarrada Mudane Shafici Maxamuud Ismaciil ayaa xafiiska ku qaabilay Wafti ka socday Hay’adda WFP.
kulanka waxaa looga wada hadlay Mashaariicda Hay’adda WFP ay la waddo Wasaaradda, kuwa Qorshaysan, iyo sidii qorshe dhow looga wada yeelaan lahaa arimaha Isbedelka Cimilada iyo la tacaalida saamaynta taban ee ka dhalatay.
Wasiirka ayaa dhankiisa la wadaagay qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda iyo dadaalada socda, asagoo dhanka kalena uga mahadceliyey wada shaqaynta dhaw ee ay la leeyihiin Wasaaradda.
GAROWE POST