Wasiirka amniga gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Kulan ku saabsan xoojinta iskaashiga dhanka amniga la yeeshay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha Gudaha Serbia, Mudane Ivica Dacic.
Qoraal ay soo saartay amniga gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya ayay ku sheegntay in labada masuuliyada kulankooda diirada lagu saaray sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen amniga, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Serbia, Ivica Dacic ayaa xusay sida uu dalkiisu diyaar ugu yahay in uu Soomaaliya ay ka caawiyo dhismaha hey’adaha amniga iyo tababarrada la xiriira ilaalinta nabadgelyada.
Sidoo kale, wasiirka amniga gudaha mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo ka qeyb galaya shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo ka dhacaya magaalada Glasgow, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka socday dalalka Mareykanka, Rwanda iyo South korea, waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhaxeeya dalalkaas.
GAROWE POST