Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in aysan jirin cid ka bixi karta nidaamka Puntland oo maamul gaar ah noqon karta.
Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir oo wax laga waydiiyay in Puntland aqoonsan doonto hadii Khaatumo iyo Maakhir ay samaystaan maamul madax-banaan ayaa sheegay in aysan jirin cid kala goyn karta Puntland.
“Puntland cid kala goo-goyn karta ma jirto taasi ka fadhiista waxaan idin sheegaya in aysan jirin cid kala goyn karta waxaa lagu dhisay wada tashi wax kastana wada tashi baa lagu galaya” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.
Wasiirka ayaa sidoo kale eedeymo u jeediyay xildhibaan hore Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoore oo dhawaanahan sheeganayay in uu maamul gaar ah oo lagu magacaabo Maakhir ka dhisayo gobolka Sanaag.
GAROWE POST