Wasiir Bulxan oo kormeer shaqo ku tegey xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyada Puntland ee Garoowe

Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyada.

Xarunta dhexe Wasiirka waxaa ku soo dhoweeyey Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi iyo Mas’uulyiin kale.

Kulan uu shir gudoomiyey Wasiirku oo ay ka qayb galeen Agaasimayasha Waaxyaha Wasaaradda  ayaa lagu soo badhigay shaqooyiinka dar-dargelinta dakhliga ee horumarka laga sameeyey taasi oo uu Wasiirku bogaadiyey.

Kulankan intii uu socday sidoo kale waxaa lagu soo badhigay talooyin ku aaddan horumarinta shaqada dakhliga iyo sidii loo xoojin lahaa.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa Agaasimayaasha waxyaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojin shaqada iyo dardargelinta dakhliga.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *