Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo tababar u qabatay Hay’adaha dowladda

Tababarkan ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaana daah-furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo ay ku weheliyeen Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Dowladda Puntland.

Tababarkan ayaa loo qabtay agaasimayaasha waaxda maamulka iyo Maaliyadda, xisaabiyaàsha Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee Dowlada Puntland

Shaqalaha hay’adaha Dowladda
ayaaTababarkan ku qaadan doona xeerka Maamulka iyo Maaliyada Guud (PFM Act)

Cali Jaamac Gaashaan Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ahna kusimaha Xisaabiyaha ayaa shaqaalaha Wasaaradaha kula dardaarmay in ay tababarkaan siwayn uga faa’iidaystaan.

Agaasimaha guud ayaa hadal ka jeediyey halkaasi.

” tababarkan waxay Wasaaradu ugu talagashay dhammaan Wasaaraddaha dowladda iyo hayadaha madaxa bannaan ee dowladda bahwadaagtana la ah Wasaaradda Maaliyadda wana muhiim in siwayn looga faa’idaysto Tababarkan”

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *