Wararkii u danbeeyay ee tirinta codadka doorashada Maamulka Somaliland

Waxaa la galay wajiga labaad ee isu gaynta codadka Doorashadii isku sidkanayd ee Maamulk Somaliland ka dhacday 13kii bishaan si loo fududeeyo tirintooda kaddibna loo helo natiijada kasoo baxday codadkaas la dhiibtay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ka guddi ahaan ay ku hawlan yihiin gudashada waajibaadka ka saaran Doorashadaas.

Waxa uu markale ka digay wararka saadaalinta ah ee Baraha Bulshada la iska dhexmarayo, waxaana uu tilmaamay in arrintaas ay sababi karto rabshado, qalalaase iyo kicin Dadweyne oo saameyn ku reebi karta natiijada laga sugayo.

Ciidamada ammaanka Maamulka Somaliland ayaa ku wargeliyay in ay ka feejignaadaan wax weliba oo dib u dhigi kara tirinta codadka, natiijo ku dhawaaqista iyo ku kala adkaanta codbixintii la dhiibtay si aanay u dhicin rabshado.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *