In ka badan 50 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil ee guud ahaan Gaza, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera, iyadoo ugu yaraan 42 ka mid ah dhibanayaasha lagu dilay waqooyiga Gaza.
Wasaarada Caafimaadka Dadweynaha ee Lubnaan ayaa ku warrantay in ciidamada Israa’iil ay dileen 52 qof ,ayna ku dhaawaceen tiri badan 161 duullaan oo ka dhacay waddanka 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Lix ka mid ah nabad-ilaalinta Malaysian ah oo ka tirsan Ciidanka Qaramada Midoobay ee ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa dhaawacyo fudud ka soo gaaray waxa lagu soo warramay inay Israa’iil duqayn ku qaadday baabuur u dhowaa oo saddex qof lagu dilay magaalada Sidon ee Lubnaan.
GAROWE POST