Wakhtiga la fariisinayo golayaasha deegaanka degmooyinka Garoowe Godobjiraan iyo Dangoroyo oo la shaaciyay

Wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa ku dhawaaqday wakhtiga ay fariisinayso golayaasha deegaanka sadexda degmo ee Garoowe Dangoroyo iyo Godobjiraan.

Qoraal wargelin ah oo ay soo saartay Wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa lagu soo bandhigay wakhtiga la fariisinayo golayaasha deegaanka sadexdaasi degmo ee gobolka Nugaal.

Golaha deegaanka Garoowe ayaa la fariisinaya 9 Nov 2024 oo ku beegan afar cisho kadib halka golaha deegaanka Dangoroyo la fariisinayo 13 November sida ay tilmaantay wasaarada.

Golaha deegaanka degmada Godobjiraan ayaa la fariisinaya 16 November sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha Puntland.

Hoos ka eeg warqada shaacinta

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *