Israa’iil ayaa sheegtay in hoggaamiye diimeed Yahuudi ahaa oo lagu waayay dalka Imaaraadka Carabta la dilay, waxayna wacad ku martay in ay baadi goobayaan ciddii dilkiisa ka dambeysay.
Zvi Kogan, oo xubin ka ahaa ururka Yuhuudda Ortodokska ee Chabad, ayaa la la’aa tan iyo Khamiista, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil, arrintaan dhalisay baaritaan ay wadaan hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad iyo mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.
“Dilka Zvi Kogan waa dhacdo argagaxiso oo ka dhan ah Yahuudda, shacabka Israa’iil waxa ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay sharciga ku horgeyn doonaan dambiilayaasha dilkiisa ka dambeeyay,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Saraakiisha Israel ayaa xiriir la sameeyay qoyska Mr Kogan, oo ah muwaadin Israel-Moldovan ah, tan iyo markii la waayay, ayaa warka soo baxay la si raaciyay.
GAROWE POST