Barta rasmiga ah ee faafinta dawladda Turkiga ayaa lagu baahiyay maanta heshiis la sheegay dawladda Turkiga inay la gashay dawladda Falastiin, kaasoo la xiriira amniga , iyadoo heshiiska uu dhigayo inuu Turkiga tababaro ciidamo loogu yeeray fulinta sharciga Falastiin.
Turkiga ayaa sidoo awood u yeelanaya inuu ciidamo u diro Daanta Galbeed ee la heysto si halkaa ciidamo loogu tababaro ama tababarku wuxuu ka dhici karaa gudaha Turkiga.
Heshiiska uu hadda saxiixay madaxweynaha Turkiga , waxaa lagu saxiixay magaalada Ramallah oo xarun u ah maamulka, Maxamuud Cabbaas — 24 bishii May ee sannadkii 2022.
Turkiga wuxuu heshiiskan u adeegsan karaa , hab uu sidoo kale ku tababari karo dhaqdhaqaaqyada Falastiiniyiinta oo ay ku jirto Xamaas, isagoo u adeegsanaya sharciyada heshiiskan.
GAROWE POST