Tirinta Codadka doorashada Somaliland oo weli socota

Deegaamada Maamulka Somaliland waxaa weli ka socda tirinta codadkii dadweynuhu dhiibteen ee doorashada Madaxweynaha iyo soo saarista xisbiyada siyaasada.

Dhanka doorashada madaxweynaha waxaa ilaa hadda codadka la dhiibtey ugu sarreeya Musharax Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo haysta in ka badan 60% codadka la dhiibtey halka uu kaalinta 2aad kujiro madaxweynihii Somaliland hoggaaminayey 7dii sano ee la soo dhaafay.

Ururada siyaasadda KAAH iyo HORSEED oo ku cusub masraxyada siyaasadda Somaliland ayaa natiijooyin wanaagsan ka helay codadkii la dhiibtey iyagoo haddii ay ku socdaan xowliga natiijada boosaska kala bixi kara xisbiyada Kulmiye iyo UCID oo durba u muuqda mid ka haray tareenka.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *