Taliyaha Ciidamada Kenya oo booqday Taliska Ciidamada ATMIS iyo kuwa Jubaland ee Dhoobley

Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya Jeneraal Charles Kahariri ayaa booqday Qaybta 2-aad ee ATMIS oo saldhigoodu yahay Dhoobley si uu u qiimeeyo daryeelka iyo diyaargarowga ciidanka.

Jeneraal Kahariri ayaa amaanay xirfadda iyo nafhurnimada ciidanka ay hurayaan xasilinta Soomaaliya, wuxuuna dib u xaqiijiyay taageerada Kenya ee Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo ee AUSS.

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan ciidanka Kenya oo ay ku jiraan Sarreeye Guuto Faustino Lobaly & Gaashaanle Sare Meshack Kishoyian ayaa Taliyaha Ciidanka ku wehliyay booqashada. ATMIS iyo qeybaheeda.

Dhinaca kale Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, ahna madaxa ATMIS Danjire Mohamed El-Amine, ayaa Xarunta sare ee hawlgalka kula kulmey ku xigeenka agaasimaha guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Afrika.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *