Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulkhaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo weheliya Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya S/Gaas Ibrahim Sheekh Muxudiin iyo masuuliyiin kale ayaa safar shaqo ku tagey dalka Jabbuuti.
Wasiirka iyo masuuliyiinta la socda ayaa kulamo la yeeshay Raysul wasaaraha Jabbuuti, Wasiirka Difaaca iyo saraakiisha Ciidamada waxaana ay ka wada hadleen qodoba ay kamid yihiin amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025.
“Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey safar booqasho rasmi ah oo aan joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaan ka wada hadalney amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025” ayuu yiri Wasiirka difaaca Soomaaliya oo ka warbixinayay Kulamadaasi.
Ciidamada Jabbuuti ayaa qeyb ka ah howlgalka sii dhamaanaya ee ATMIS waxaana ay daneynayaan in ay mar kale ka mid noqdaan howlgalka AUSSOM oo la filayo inuu bilawdo sanadka 2025.
Madaxda dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay safari kala duwan ku kala bixinayay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, marka laga reebo Itoobiya, iyaga oo kala hadlaya qorshaha howlgalka cusub.
GAROWE POST