Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Cabdullahi Warfaa ayaa Warbaahinta u faahfaahiyay go’aano muhiim ah oo kasoo baxay Golaha nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika.
Danjire Warfaa ayaa tilmaamay in goluhu isku raacay in howlgalka cusub ee AUSSOM cidii ka qeybgalaysa doorashadeedu leedahay dowladda Soomaaliya ayna iyada hogaamin doonto howlgalka cusub.
Danjiraha ayaa sheegay in sidoo kale Golaha Nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika adkeeyay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya lana ixtiraamo xeerarka lagu dhisay Ururka Midowga Afrika kuwaas oo si cad u ah u tilmaamay inay lama taabtaan tahay madaxbanaanida dhuleed ee dowladaha Afrika.
GAROWE POST