Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Shiinaha oo waraaqaha aqoonsiga laga gudoomay

Safiirka cusub ee dawladda Soomaaliya u qaabilsan dalka Shiinaha ayaa gaartay caasumadda Shiinaha ee Beijing.

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonta dalka Shiinaha Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi ayaa maanta oo Arbaco nuqullo kamid ah Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay.

Safiirka waxa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay ku-xigeenka agaasimaha hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Li Jinjin.

Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi oo maalin ka hor halkaas gaartay ayaa sheegtay inay door muuqda ka qaadan doonto xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dalka ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah ee labada dal.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *