Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si adag uga horyimid doorashada Jubaland

Raysul wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay doorashada uu wado madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Mudane Xamze ayaa sheegay in Hanaanka doorasho ee ka socda Jubbaland uu yahay mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin, wuxuuna ku eedeeyey MW Jubbaland in uu fulinayo dano u gaar ah oo siyaasadeed uuna ka baxay dhamaan heshiisyadii uu saxiixay.

“Hoggaanka Jubbaland wuxuu rabaa inuu isku caano shubo iyo in la isku dayo in la rido Xukuumadda Dan Qaran” ayuu yiri Raysul wasaare Xamze Cabdi Barre oo ka hadlayay goob uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee ciidamada Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

“Axmed Madoobe waxaa ka maqan sharciyad uu ku qaban karo doorashada Jubbaland, Tani waa sharci darro, Fal sharci-darro ahna ma soo saari karo natiijo xalaal ah” ayuu intaasi ku daray raysul wasaaraha oo sii hadlay.

Waxa uu dhinaca kale ugu baaqay ciidamada Jubbaland in ay ka waantoobaan ku lug lahaanshaha khilaafka siyaasadeed ee taagan Waxaana uu uga digay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu ciidamada siyaasad galiyo.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *