Madaxtooyadda Puntland ayaa xalay soo saartay Wareegto lagu mamnuucay in deegaanada Puntland laga isticmaalo barta 1xbet oo ah mareeg dhalinyaradu ay u isticmaalaan Khamaarka ciyaaraha iyo numberada Private Numberka ee ay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta.
War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu faray wasaaradaha warfaafinta, amniga, arrimaha gudaha, cadaaladda iyo shirkadaha isgaarsiinta Puntland in ay joojiyaan oo laga mamnuucay deegaanada Puntland shirkadda sharadka iyo khamaarka ee 1xBET, sidoo kalena la joojiyey furista lambarada gaarka ah (Privet Number).
Shirkadda khamaarka ee 1xBET ayaa dhibaato xoog leh ku haysay bulshada Soomaaliyeed, taasi oo sababtay in dad badan xoolahoodii ku waayaan khamaarka, wuxuuna go’aanka dowladdu kusoo beegmay xili ay cabasho xoogan ka jirtey. Dhanka kale, joojinta lambarada gaarka ah ama qarsoon ayaa loo adeegsan jirey cabsi gelinta shacabka iyo qalqalgelinta amaanka.
Hoos ka akhri qoraalka
GAROWE POST