Puntland oo ku dhawaaqday in ay qabanayso Shir lagu badbaadinayo Soomaaliya

Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay qabanayso shir weyne lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana mustaqbalka dalka lagu jihaynayo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo Jimcihii shalay ka qeyb galay barnaamij ay qabatay Radio Daljir, oo ku saabsanaa xal u raadinta Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Puntland qabanayso Shir lagu badbaadinayo dowladnimada dalka.

“Puntland waxay wadaa qorshe lagu badbadinayo dowladnimada Soomaaliya, waxaan gogol ama shir isugu yeeraynaa Waxgaradka iyo madaxdii hore ee dalka si loo jiheeyo mustaqbalka dalka, si aysan firaaq dastuuri ah u dhicin” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale shirkaasi lagu jiheynayo xal u raadinta Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka dalka, maadaama uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku fashilantahay xal u helidda muranka siyaasadeed ee doorashada.

Puntland oo wada qorshe lagu jihaynayo doorashada dalka oo ka madax banaan Villa Somalia “Puntland waxay wadaa qorshe lagu badbadinayo umadda Soomaaliyeed, waxaan isugu yeeraynaa Waxgaradka iyo madaxdii hore ee dalka, mustaqbalka dalkana waa jihaynaynaa si aan firaaq dastuuri ah u dhicin,” Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *