S/Gaas Odowaa Yusuf Raage ayaa xalay loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya waana markii labaad oo uu qabanayo xilkaasi.
Shir deg deg ah oo ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada dowlada Federaalka Soomaaliya ayay ku ansixiyeen Taliyaha cusub ee ciidamada Xooga dalka Gen. Odowaa Yusuf Raage kadib soo jeedin ka timid Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.
“Kulanka degdeg ah ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangalinta Mulkiilaha shirkadaha iyo Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga kaasi oo ku saabsan horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga.
GAROWE POST