Nin Turkish ah oo dilay waalidkiis, Xaaskiisi iyo ilmihiisi

Nin 33 jir Turkish ah ayaa ku dilay magaalada Istanbul toddoba qof, oo ay ku jiraan waalidkiis, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay oo 10 jir ahaa, ka hor inta uusan is-dilin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Ninkan oo meydkiisa laga helay gaarigiisa wax yar ka dib markii uu toogashada sameeyey ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu dhaawacay laba qof oo kale oo qoys kale ka tirsan, oo mid ka mid ah uu dhaawaciisu culus yahay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska barasaabka Istanbul.

Mas’uuliyiinta oo tirada dhimashada ku sheegay 7 ruux ayaa ku dhawaaqay in meel u dhow haro ku taalla xeebta Istanbul ee qeybta Yurub laga helay meydka xaaskiisa iyo wiil uu dhalay, iyo sidoo kale meydka soddohdiis.

Sida laga soo xigtay hay’adda Small Arms Survey (SAS), oo ah hay’ad cilmi-baaris dhanka hubka yaryar ah, in ka badan 13.2 milyan oo hub ah ayaa dhex socda Turkiga, oo intooda badan si sharci darro ah lagu haysto, halka shacabka dalka ay gaarayaan 85 milyan.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *