Kaalin Joorjeesku oo ah nin ay siyaasaddiisu u janjeerto dhanka Ruushka ayaa si lama filaan ah kaalinta koowaad ugu soo baxay wareega koowaad ee doorashada madaxtinimada dalka Romania ee dhacday Axaddii shalay.
In ka badan 93 boqolkiiba codadka ilaa iyo hadda la tiryay ee doorashada ayuu Georgescu oo 62 jir ah ka helay 22%, halka ra’isulwasaare Marjel Jiyalaaku uu keenay 21%.
Labadan murashax ayay u badantahay in ay ku tartami doonaan wareegga labaad ee kala baxa ah ee doorashada madaxtinimada oo dhici doonta 8-da bisha soo socoda ee December.
GAROWE POST