Miisaaniyada Puntland ee sanadka 2025 oo maanta golaha wasiiradu ansixiyeen

Miisaaniyada dowlada Puntland ee sanadka 2025 oo cadadkeedu dhan yahay $466,840,762 ayay maanta ansixiyeen golaha wasiirada Puntland.

Shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta oo uu shir gudoomiyay madaxweyne Deni oo weheliyo madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyada cusub.

“Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025, taasi oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Warsaxaafadeedkani ayaa intaasi raaciyay in Miisaaniyada dowlada ee Sanadka 2025 uu ku yimid koror dhan 18% marka la barbardhigo sanadkan sii dhamaanaya ee 2024.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *