Mareykanka oo dowladda Turkiga uga digay in ay marti-galiso hoggaanka Xamaas

Mareykanka ayaa uga digay dalalka caalamka in ay marti-galiyaan xubnaha Xamaas, ayada oo si gaar ah loo xusay Turkey kadib markii warbixino ay tilmaameen in laga yaabo in hoggaanka kooxda Falastiiniyiinta ay u guuraan halkaas.

“Waxaan arkay warbixino sheegaya in qaar ka mid ah hoggaanka Xamaas, oo Doha ku sugnaa, ay hadda u guureen Turkiga,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Matthew Miller oo shir jaraa’id qabtay.

“Waan u caddeyn doonnaa dowladda Turkiga, sida aan ugu caddeynay dal kasta oo caalamka ah, in Xamaas aan sidii hore loola macaamili karin,” ayuu sii raaciyay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller.

Qatar, oo xulufo la ah Mareykanka, islamarkaana dhex-dhexaadiye muhiim u ah colaadda Gaza, ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay waxay caasimadda Dooxa ku marti-gelinaysay xubnaha hoggaanka Xamaas.

Madaxii hore ee Xamaas, Ismail Haniyeh, ayaa ku noolaa Qatar ilaa laga dilay 31-kii July isaga oo booqasho ku jooga Tehran, weerarkaas oo si weyn loogu tiriyey Israel.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *