Shirkadda Adani Group ee India ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymaha Mareykanka ee ah in maal-qabeenkooda aas-aasay Gautam Adani uu bixiyay in ka badan $250 milyan oo laaluush ah.
Diidmada shirkaddaasi ayaa timid kadib markii saamiyada shirkaddan ay hoos u dhaceen in ka badan 23 boqolkiiba suuqa saamiyada ee Mumbai, maalin kadib markii dacwad-oogayaasha New York ay ku eedeeyeen inuu si ula kac ah u marin habaabiyay maal-gashadayaasha caalamiga ah.
Adani oo mar ahaa ninka labaad ee ugu taajirsan adduunka, waxa uu saaxiib dhow la yahay Ra’iisal Wasaaraha aamisan sarreynta Hinduuga ee Narendra Modi, waxaana dadka dhaleeceeya ay in badan ku eedeeynayeen in uu si khaldan uga faa’iidaysto xiriirkooda.
“Eedeymaha Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka iyo Guddiga SEC ay u soo jeediyeen agaasimayaasha Adani Group waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo la beeniyey,” ayay shirkaddu ku tiri bayaan ay soo saartay.
Waaxda Caddaalada Mareykanka ayaa ku eedaysay Adani iyo qaar badan oo ka hoos shaqeeyaa inay bixiyeen lacag ka badan $250 milyan oo laaluush ah oo ay siiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda India, si loo helo qandaraasyo faa’iido badan leh oo la xiriira tamarta qoraxda.
GAROWE POST