Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qayb galay Caleema-saarka Duqa Caasimadda Garoowe

Madaxwayne Ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor  iyo Qaar kamdi ah golaha xukuumada Puntland  ayaa ka qayb galay Munaasibada Caleema saarka Duqa Caasimada Garoowe Mudane Hon Abdulkadir Geedi .

Sido kale Munaasibada waxaa kasoo qayb galay  Mas’uuliyiin kala kala  oo ka socdey Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland, Gudoomiye ku xigeenka Degmada mudane Maxamed Cali Hamari, , Xoghayaha Dowladda Hoose, mudane Cabdalle Maxamed Cabdale , Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland,  Xildhibaanada Golaha deegaanka Degmada Garoowe, Mas’uuliyiinta PEC,  Xisbiyada Mucaaradka , Nabadoono, Waxgarad, Ganacsato , Dhallinyaro iyo Marti sharaf kale Duwan.

Duqa Caasimada Garoowe Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Geedi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Horumarinta Caasimada Puntland ee Garoowe.

Madaxwayne Ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor  ayaa bogaadiyay Horumarka kasocda Caasimada Garoowe waxa uuna sheegay in loobahan yahay Dardargalinta adeegyada Horumarinta Caasimada.

Dhammaan Mas’uuliyiintii kala duwan ee Munaasibada kasoo qayb galay ayaa bogaadiyay Hormarkii duqa Caasimada 2 sano ee lasoo dhaafay.

Sido kale Mas’uuliyiinta ayaa ugu baaqay Duqa Degmadda iyo Golihiisa Deegaanka in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Horumarinta Caasimada Garoowe.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *