Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa mid sharciga baalmarsan ku tilmaamay talaabadii Baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyay dhisidda Guddiga Doorashooyinka dalka.
“Tallaabada uu maanta qaaday Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ansixinta sharci darrada ah ee xeerka lagu sheegay dhisidda Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha waxa ay sii fogaynaysaa xal u helidda tabashooyinka ay qabaan Dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaranka, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.”
“Isku-milanka labada hay’adood ee fulinta iyo sharci-dejinta waxa ay sii kala qeybisay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aqlabiyadda xildhibaannada heer Federaal ee matala Jubbaland iyo Puntland ay si cad uga soo horjeesteen meelmarinta sharciyadan iyo guddiyadan aan loo dhammayn, taas oo muujinaysa in xitaa Golihii Baarlamaanka la kala qaybiyey” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo.
“Haddaba, annaga oo tixraacayna waaqaca siyaasadeed ee dalka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara sharciyo, guddiyo iyo hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn waxaan caddeynaynaa in aanan aqoonsanayn hindiseyaashaas iyo guddiyada lagu dhisayaba, oo ay hubaal tahay in aan lagu salayn maslaxadda guud ee qaranka Soomaaliyeed iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalka” ayuu intaasi ku daray MD. Farmaajo.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa ku tilmaamay Nidaamka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mid qaaday jiho khilaafsan dastuurkii lagu doortay iyo shuruucdii loo dhaariyey, sidaasi darteedna ay qaadayaan mas’uuliyadda taariikhiga ah iyo cawaaqib ka ka dhalanaya qorsheyaashooda gurracan ee kala qaybinaya shacabka Soomaaliyeed.
GAROWE POST