Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ugu baaqay dhalinyarada reer Puntland in aysan dalka ka bixin oo dhulkooda aaminaan kana shaqaystaan halkii ay tahriibi lahaayeen dalal shisheeye.
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkani ka jeediyay Shir ku saabaan daah-furka qorshaha horumarinta deegaanada Puntland ee 5-sano oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in loo baahan yahay deganaansho iyo in dhalinyaradu dalkooda aaminaan islamarkaana iska ilaaliyaan tahriibta oo uu tilmaamay mid halis badan.
GAROWE POST