Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni oo ka amba-baxay caasimada Puntland ee Garoowe ayaa xalay gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Madaxweyne Siciid Deni oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowlada ayaa xalay u hoyday magaalada Qardho halkaasi oo uu habeenimo galay sida ay wararku sheegayaan.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho saraakiisha iyo masuuliyiinta dowlada ee gobolka Karkaar iyo kuwa degmada Qardho islamarkaana uu la shiro odayaasha iyo bulshada magaalada.
GAROWE POST