Xildhibaanada labada Aqal ee BFS ayaa Maanta oo Sabti ah ansixiyay codsi uga yimid Madaxweyne Xasan Shiikh oo ahaa in mudo bil ah dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo khudbad u jeediyay fadhiga labada Aqal ee Baarlamanka dalka ayaa ka codsaday in ay mudo bil ah dib u dhigaan fasaxooda si ay u meel mariyaan xeerarka muhiimka u ah doorashooyinka qof iyo cod ee dalka.
Hadaba Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo ka duulaya codsiga Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa mudo bil ah dib u dhigay fasaxooda oo bilaaban lahaa 6/11/2024 inkastoo buuq iyo sawaxan badan hareeyay fadhiga golaha.
GAROWE POST