Jubaland oo soo saartay awaamiir la xiriirta u diyaar garowga doorashada Maamulkaasi

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa soo saartay awaamiir amni oo ku socota sugida amniga iyo u diyaar garowga doorashada maamulkaasi.

Jubaland ayaa ku amartay Ciidamada kala duwan ee maamulka in ay galaan Heegan Buuxa oo lagu sugayo amniga dhamaan deegaanada Jubaland kaasi oo la xiriira u diyaar garowga doorashada.

Ciidamada Jubaland ayaa waxa la faray in aysan dhex galin arimaha siyaasada oo ay joogaan xerooyinkooda iyo goobahooda Shaqo waxaana laga mumnuucay in askari aan shaqa ku jirin hub lagu arko.

Musharixiinta ka qayb galaya doorashada Jubaland ayaa waxa iyana lagu wargaliyay in amnigooda ay sugayaan ciidamada booliska Jubaland oo ay la xiriiraan taliska booliska Jubaland.

Dhinaca kale Jubaland waxay mumnuucday in in la abuuro Ciidamo beeleedyo u abaabulan Qaab Qabiil oo lagu QalQal gelinaayo Amaanka Jubaland.

Hoos ka daalaco awaamiirta Jubaland

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *