Ciidamada Israa’iil ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku garaaca caasimada dalka Lubnaan ee Beyruut ee ku taal koonfurta dalkaasi halka ugu yaraan 20 qof ay ku dishay duqeymo kale oo ay ku bartilmaameedsatay bartamaha Lubnan.
Duqeymihi u danbeeysy ee Beyrut ayaa lagu sheegay kuwi ugu cuslaa oo ay Israa’il maalin cad ku beegsato meelaha ay Xisbullah ka taliso ee dalka Lubanan.
Israa’il waxay sheegtay in ay garaacday bartilmaameedyo ay Xisbullah ku leeyihiin deegaanka Daaxiya ee magaalada Beyrut. War ay goor danbe soo saartay ayay ku sheegtay in ay burburisay inta badan baqaarada hubka ee Xisbullah.
Millatariga Isra’il waxay sheegeen in dadka Israa’iiliyiinta ah ee ku nool waqooyiga lagu qasbay in ay gabbaad raadsadaan kaddib marki diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Xisbullah ay weerar ku qaadeen aaggaasi Talaadadi shalay. Isra’il waxay sheegtay in duqeymahaasi aysan cidna wax ku noqon.
GAROWE POST