In ka badan 40 qof oo ku dhintay duqeymo mar kale Israa’iil ka fulisay Gaza iyo Lubnaan

Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Gaza, kadib duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Israa’il ku bartilmaameedsadeen guryo ku yaalla waqooyiga Gaza.

Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Falastin ayaa sheegtay, in ugu yaraan 24 ka mid ah dadkaasi lagu dilay madaafiic lagu burburiyay guri ka koobnaa sadex dabaq oo ku yaallay xerada Jabaaliya. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray dumar iyo carruurr sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Milatariga Israa’il ayaa sheegay in ay duqeeyeen guri ku yaalla deegaanka Jabaaliyah, halkaas oo ay sheegeen in ay ka howlgalayeen kooxo argagixiso ah. Israa’il ma aysan bixin wax caddeyn ah oo arrintaasi muujinaya.

Duqeyn kale oo ay ciidanka Israa’il ka fuliyeen xaafada Sabra ee magaalada Gaza ayay ku dileen sarkaal ka tirsanaa wasaaradda daryeelka, kaas oo lagu magacaabi jiray Waa’il Al Khuur. Weerarkaas ayaa sidoo kale lagu dilay xaaskiisa, wiil iyo laba gabadh ay dhaleen iyo carruur uu awoode u ahaa.

Dhanka Lubnaan, duqeymo ay Israa’il ku garaacday tuulada Caalmat ee waqootiga Lubnan, ayay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 23 qof oo ay ku jireen 7 carruur ah.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *