Hogaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa sheegay in aysan waxba iska badalin siyaasadda Somaliland ee ku wajahan deegaanada SSC.
Hogaamiye Cabdiqaadir Firdhiye oo maanta oo Jimce ah khudbad ka jeediyay masaajidka Jaamaca ah ee magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in Somaliland aysan wali ka tanaasulin sheegashada dhulka SSC-khaatumo.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo madaxweynihii ka horeeyay ee Muuse Biixi ay isku aragti ka yihiin siyaada ku dhisan sheegashada dhulks SSC.
“Wax la aqbali karo ma aha in Soomaali ciddii ugu maqaamka iyo magaca weynayday la yidhaahdo wax aydaan rabin ayaa la idin oggolaysiinayaaā€¯ ayuu yiri Hogaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye.
Hogaamiye Cabdiqaadir Firdhiye wuxuu intaasi raaciyay in dadka SSC aysan kala jeclaysan madaxda Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwa aan waxba ku kala duwanayn mowqifka ku wajahan dhinaca SSC.
GAROWE POST