Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdiga la docda oo uu qeyb ka yahay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay diblomaasiyiin uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo masuuliyiin ka tirsan Kenya.
Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa Nairobi uga qeybgalaya shirka 18-aad ee guddoomiyeyaasha baarlamaanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (𝐄𝐀𝐂) oo 13ka bishan furmaya.
Madasha Af-hayeennada EAC waxaa uu u taagan yahay sidii loo mideyn lahaa codka shacabka ku dhaqan gayigan iyada oo loo marayo qaabka sharci dajinta, kormeer iyo matalaad shacabka.
Madashaan ayaa sidoo kale talo bixin siinaysa shir madaxeedka madaxda Bariga Afrika, kuwaas oo lagu horumarinayo arrimaha ugu muhiimsan ee ka taagan gobolka Bariga Afrika.
GAROWE POST