Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamtay doorashada lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaasoo maanta markii saddexaad loo doortay madaxweynaha Jubbaland.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hortimid hannaanka loosoo xulay xildhibaanada Jubbaland iyo doorashada hoggaanka baarlamaanka Jubbaland.
Go’aankaan ayaa looga dhawaaqay kulan degdeg ah oo ay xalay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ka yeesheen doorashada Axmed Madooobe.
Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa lagu amray inuu inuu dacwad kusoo oogo Axmed Madoobe, taas oo salka ku haysa ku tumashada xeerarka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo ku xadgudubka heshiisyada siyaasadeed ee dalka.
Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in doorashada Kismaayo ka dhacday ay si cad ugasoo horjeeddo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee bishii May 2023 lagu gaaray Muqdisho.
Heshiiskaas oo dhigayay in dalka lagu hagi doono nidaam doorasho oo ku saleysan hal qof iyo hal cod, ayna kala saxiixdeen dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay Jubbaland ku jirto.
GAROWW POST