Dowlada Soomaaliya oo dalka ku soo celisay 24 dhalinyaro ah oo Magafe haystay

Dowlada Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 24 dhalinyaro oo uu ku jiray ilmo ka yar 11 bil , kadib kolkii laga soo badbaadiyey kooxaha loo yaqaano magafaha ee ka howlgala xeebaha dalkaTunisia.

Kooxahaan dhalinyarada ah ayaa waxaa manta aroonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo qoysaska dadkaasi dhallinyarada ah.

Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ee soo dhaweeyay dhalinyaradaasi ayaa sheegay in dowladu dadaal badan galisay sidii looga soo deyn lahaa gacanta kooxaha lagu magacaabo Magafayaasha.

Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta Maryan Yaasiin Yuusuf ayaa sheegtay in DFS ay ka go’an tahay in ay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gacanta ugu jira kooxaha dambiileyaasha ah .

DFS waxay u mahad celisay Midowga Yurub oo maalgeliyay fulinta barnaamijkan dalka dib loogu soo celinayo dalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibedda ku xanibnaa. Waxaa sidoo kale ay DFS u mahadcelisay hay’adaha kale ee gacanta ka geystay fududeynta barnaamijkan.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *