Dawlada Qatar ayaa si rasmi ah u beenisay warar ku saabsan in ay guud ahaan ka baxday dhex dhexaadinta wada xaajoodyada xabad-joojinta marinka Gaza oo ay ku sheegtay in si khaldan loo dhigay iyo in la xirayo xafiiska siyaasada Xamaas ee ku yaalla Dooxa.
Warsaxaafadeed ay baahisay wasaarada arrimaha dibada ee Qatar, oo lagu soo bandhigay hadalka afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Qatar Dr. Majed bin Mohammed Al Ansari, ayaa lagu sheegay dhamaan wararkaasi in aysan sax ahayn.
Warsaxaafadeedka wuxuu ka hadlay warka la xiriira in dhex dhexaadinta guud ahaan ka baxday Qatar waxaa lagu sheegay in go’aankan 10 maalin ka hor ay Qatar wargelisay dhinacyada ay quseyso , iyadoo Qatar ay ku wargelisay in ay hakinayso illaa inta dhinacyada Xamaas iyo Israa’iil ay isugu imaanayaan meel ay ku gaari karaan heshiis.
Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Qatar, isagoo ka hadlaya warka la xiriira in la xirayo xafiiska siyaasadda Xamaas ee Dooxa, wuxuu sheegay in wararka ay warbaahintu ka qortay xafiiska Xamaas ee magaalada Dooxa inay yihiin kuwa aan sax ahayn.
Hoos ka eeg warka Qatar
GAROWE POST