Dadweynaha Somaliland oo saaka u codaynaya doorashada madaxtooyada iyo ururada ee maamulkaasi

Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururada ayaa Saaka looga dareeray guud ahaan deegaanada Maamulka Somaliland.

Dadweynaha Somaliland ayaa saaka safaf dhaadheer u galay si ay ugu kala codeeyaan sadex musharax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha kuwaasi oo uu ku jiro Madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Muuse Biixi waxaa doorashada kula tartamaya musharaxa Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed C/laaahi Ciro iyo musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

Taranka ugu adag ayaa dhexmari doona madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi iyo musharaxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro waxaana la filayaa in mid kood ku guulaysto xilka madaxweynaha Somaliland.

Doorashada ururada oo xamaasad gaar ah xambaarsan ayaa sidoo kale laga rabaa in ay ka soo baxaan sadex xisbi oo kaliya laakiin lama saaadaalin karo ururrada xisbiyada u gudbi doona.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *