Ciidamada Israa’iil oo duqeymo culus ku garaacay deegaano ka tirsan dalka Lubnaan

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo culus oo cirka ah ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla tuulooyinka beeraha caanka ku ah ee waqooyi-bari ee dalka Lubnaan.

Wasaarada caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 52 qof lagu dilay 72 kalana la dhaawacay, kadib in ka badan 10 gantaal oo ay diyaaradaha dagaalka Israa’il ku garaaceen gobolka bari ee Baclabak-Xirmal.

Raysul wasaaraha Lubnaan ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay diiday xabbad-joojin ka dib markii militariga Israa’iil ay duqeeyeen deegaano ku xeeran magaalada Beyruut.

Raysul Wasaarada Lubnaan Najib Mikati ayaa cambaareeyay weerarrada Israa’iil waxaana uu ku eedeeyay Israa’il in aysan dooneyn xabbad-joojin iyo nabad midna.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *