Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cigaal (Cirro) oo Xisbiga Waddani ku metalay Doorashadii 13kii Bishaan ka dhacday Somaliland ayaa ku guuleystay Xilka Madaxweynaha Somaliland.
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne-nimada SL uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro halka ku xigeenkiisa uu ku guuleystay Maxamed Cali Cabdi Muxumed.
Maxkamadda Sare Maamulka Somaliland ayaa loo gudbiyay Natiijada kasoo baxday Doorashada ee sida kumeel-gaarka ah u shaaciyay Guddigii howshaan qabtay, waxaana Xisbigii muddada dheer maamulka hayay haddii uu cabasho qabo uu heystaa 7 cisho oo maanta ka billaabaneysa.
Madaxweynaha guuleystay ee Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhowaan ku ololeeyay in uu sameynayo isbaddel weyn oo la xiriira siyaasadda Maamulka Somaliland, waxa uu hadallo adag uu kala hortagay Madaxweynihii uu ka guuleystay ee Muuse Biixi Cabdi.
GAROWE POST