Booliska Soomaaliya oo shir aan caadi ahayn ka yeeshay ka hortaga weeraro Argagixiso

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa Shir Gudoomiyay kulan aan caadi eheyn oo uu isugu yeeray Taliye Ku-xigeenka Boliiska, Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa Bannaan ee Ciidanka Boliiska.

Inta uu shirka Socday Taliyaha Ciidanka Waxa uu warbixino la xiriira amniga wax ka weydiiyay saraakiisha qaabilsan amniga waxa ayna taliyaha uga warbixiyeen Xaaladda Guud ee amniga Caasimada iyo Dadaalada lagu xaqiijinayo amniga.

Taliyaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay guddiga loo xil saaray diyaarinta xuska sanad guuradii 81-aad ee aasaaska ciidanka boliiska Soomaaliyeed oo ku asteysan 20-ka December.

S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa faray Dhamaan Saraakiisha Amniga in ay dar-dargaliyaan Xaqiijinta Amniga iyo ka hortagga dhagarta Kooxaha Argagixisada ah.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *