Madaxweynaha Mareykanka ee xilka ka degaya, Joe Biden ayaa lagu warramaya in uu u oggolaaday Ukraine inay u adeegsan karto weerarrada ay ku qaadayso Ruushka gantaallada riddada dheer ee Mareykanka , sida ay ku warrameen CNN iyo New York Times.
Haddii ay dhab noqoto oggolaanshaha Mareykanka ee adeegsiga gantaallaha riddada dheer markaa Ukraine ayaa awood u yeelanaysa in ay khasaare xanuun leh gaarsiiso Ruushka, illaa ay qarxin karaan saldhigyada , xarumaha gaaska iyo tamarta.
Putin, wuxuu horey u sheegay haddii ay Ukraine adeegsato gantaalladan in Ruushku uu tixgelin doono in NATO ay si rasmi ah u noqotay qayb ka mid ah dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
GAROOWE POST