Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga Golaha Wakiillada. Fadhigan ayaa lagu lafa-guray la xisaabtanka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dawladda Puntland.
Ugu horay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Mudane Cabdullaahi Bille Nuur, oo ay wehliyeen Wasiiru Dawlaha iyo Agaasimaha Guud, iyo Saraakiisha Wasaaradda ayaa Golaha u soo gudbiyey warbixin ku saabsan waxqabadka wasaaradda, horumarka la gaaray, iyo caqabadaha ku hor gudban hawlgalka wasaaradda.
Fadhiga ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta waxqabadka wasaaradda iyo in la fahmo caqabadaha haysta fulinta waajibaadka dowladda, iyadoo lagu saleynayo nidaamka isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay soo bandhigeen horumarada la sameeyay, oo ay ka mid yihiin shaqada joogtada ah ee garoomada Puntland iyo adeegyada duulimaadyada caalamiga ah ee sii kobcaya, gaar ahaan garoomada Boosaaso iyo Garoowe.
Waxa kale oo lagu xusay duruufaha saameeya hawlgallada iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo kaabayaasha duulista hawada. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada waxay maamushaa dhammaan siyaasadaha iyo horumarinta garoomada Puntland, kuwaas oo isku jira garoomo caalamiya iyo kuwo yaryar, iyagoo dhammaan arrimaha khuseeya duulimaadyada rayidka ee Dowladda Puntland hoos yimaadaan.
Intii uu socday fadhiga, xildhibaannada ayaa weydiiyay su’aalo ku saabsan lacagaha Ticketka ee dadka laga qaado, horumarinta Garoomada, Maareynta kharashaadka laga qaado dadka isticmaala Airporada, heshiiyadda lala galay shirkadaha Ajenbiga ah, tayada iyo badbaadada duulimaadyada, iyo wada shaqeynta wasaaradda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee duulista hawada.
Kulanka ayaa si weyn diiradda u saaray dardargelinta isla xisaabtanka iyo xaqiijinta in adeegyada dowladda loo qabto bulshada si hufan oo waxtar leh.
GAROWE POST