Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise yaa shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha fadhiga ayaa ahaa La xisaabtanka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta ee Puntland, si wax looga oggaado qorshayaasheeda ku aaddan horumarinta waxbarashada.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Fuad Abshir-adeer, oo ay wehliyeen Wasiir Ku-xigeenka, Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha waaxyaha, ayaa golaha siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hawlaha wasaaradda iyo caqabadaha jira.
Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasaaradda wax ka weydiiyay qodobbo ay ka mid yihiin tayeynta manhajka waxbarashada, kor u qaadista adeegyada waxbarashada dugsiyada hoose iyo dhexe, hirgelinta barnaamijka quudinta ardayda, iyo maamulka deeqaha waxbarasho ee gudaha iyo dibadda iyo samaynta xeerarka muhiimka ah ee la xiriira kor u qaadista tayada waxbarashada Puntland
Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadshay qorshaha wasaaradda ee ku aaddan waxbarashada bilaashka ah iyo taageerada ardayda danyarta ah.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo la xiriira tayada manhajka waxbarashada, wakhtiga waxbarashada oo loo arko mid kooban, habka loo maareeyay deeqaha waxbarasho, iyo sidii waxbarasho bilaash ah loogu heli lahaa ardayda reer Puntland.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday dood iyo is-faham ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Waxbarashada, iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayeynta waxbarashada iyo u fududeynta fursadaha waxbarasho ee dhammaan ardayda.
GAROWE POST