Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Mudug ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka hawlgala gobolkaasi.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in tiro gaaraysa todobo dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay si rasmi ah isu soo dhiibeen taas oo lagu soo bandhigay sawirrada dagaalyahanadan oo ku sugnaa goobaha ciidamadu ay gacanta ku hayaan.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Xarardheere, Maxamed Abshir Jiirow ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in dagaalyahanadan ay si nabad ah ugu soo biireen ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ee ka hawlgala aagga Xarardheere.
Xarardheere oo mudo dheer ahayd mid ka mid ah saldhigyada muhiimka ah ee Al-Shabaab ayaa dhowr sano ka hor laga qabsaday waxaana ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ay dib ugu soo celiyeen gacanta dowladda iyo nabadda deegaankaasi.
GAROWE POST