19 kamid ah golaha deegaanka Garoowe oo ku dhawaaqay in ay si gaar ah u dooranayaan maayir cusub

19 Xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa shaaciyay in ay yeelanayaan fadhi gaar ah oo ay maayir cusub ugu dooranayaa caasimada Garoowe.

Xubnahan golaha deegaanka Garoowe oo mucaaridsan heshiis siyaasadeedkii xisbiga xukuumada ee Kaah ku qaatay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka caasimada ayaa xalay ku dhawaaqay hadalkaasi.

Xubnahan ayaa sidoo kale wadatashi la yeeshay daladda bulshada rayidka ah iyo qaar kamid ah nabadoonada gobolka Nugaal waxaana ay marin habaabin ku tilmaameen heshiiskii xisbiyada siyaasada qaarkood ka gaareen doorashada degmada Garoowe.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *