12 kamid ah Ciidanka Militariga Soomaaliya oo loo xiray dagaal maanta ka dhacay Muqdisho

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 12 ka mid ah Ciidanka Millateriga oo weerarka soo qaaday Booliska, kuwaasi oo uu sheegay in sharciga ay la tiigsan doonaan.

Waxaa intaas uu ku daray Afhayeenka Booliska in shaqsiyaadka Millateriga ay ahaayeen kuwo u abaabulnaa qaab qabiil isla markaana doonayay inay is hor istaag ku sameeyaan howgal ay Booliska ka wadeen degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay hawgalkaasi uu ahaa mid waddo furis ah balse ay is hor taag ku sameeyeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo u abaabulan qaab qabiil si aysan ciidamadu u banayn jidadkii xirnaa ee hawlgalkaasi lagu furi lahaa.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *