Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay markii labaad in ay qaadanayso 3,000 oo Macallimiin ah

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarshada XFS Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagtay qorshaha dowladdu ay ku qaadanayso mar kale 3,000 oo Macallimiin cusub ah.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegtay in ay qaadashada barayaasha cusub ay tahay mid u furan dhammaan dadka danaynaya, waxanay xustay in ay si gaar ah fursadda u siin doonaan Dumarka Soomaaliyeed, si ay ugu faa’iideystaan Haweenka iyagoo ka qayb qaadanaya soo saarista jiil cusub oo waxbartay.

Marwo, Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa sheegtay in babraaca uu furan yahay si ay isu diiwaan geliyaan daneeyayaasha u diyaarsan in ay wax baraan ubadka Soomaaliyeed.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *